Isdiiwaangelinta Dugsiga
Tallaabada ugu horreysa ee hannaanka isqorista waxay ka dhacdaa onlayn iyadoo loo sii marayo nidaamka Isdiiwaangelinta Onlaynka ah ee Kambaska. Isticmaal mid ka mid ah botoonnada soo socda ee isdiiwaangelinta kahor si aad u dhammaystirto tallaabada ugu horreysa hannaanka isqorista. Hubi inaad dibu-eegto dhammaan macluumaadka ku qoran boggan kahor intaadan bilaabin hannaanka ka horreeya isdiiwaangelinta ee ilmahaaga.
Isdiiwaangelinta ee ilmahaaga
- Tallaabada Koowaad- Hel aagga dugsi dhigashada ee ilmahaaga
- Tallaabada Labaad- Isdiiwaangelinta hore ee onlaynka
- Tallaabada Saddexaad- Liiska hubinta ee K-12 iyo dhammaystirka isdiiwaangelinta hore
- Tallaabada Afaraad- Dibu-eeg macluumaadka dheeraadka ah
Tallaabada Koowaad- Hel aagga dugsi dhigashada ee ilmahaaga
Tallaabada Labaad- Isdiiwaangelinta hore ee onlaynka
Tallaabada Saddexaad- Liiska hubinta ee K-12 iyo dhammaystirka isdiiwaangelinta hore
Tallaabada Afaraad- Dibu-eeg macluumaadka dheeraadka ah
XANAANADA
Kusoo Dhawoow Dugsiga Barbaarinta ee Degmada 196!
Waxaan leenahay 19 dugsi hoose (wadar ahaan 20 dugsi hoose oo bilaabmaya Dayrta 2025) oo heersare ah, oo dhammaantood bixiya macalimiin heersare ah iyo manhaj soojiidasho leh oo bixiya funuunta luqadda, xisaabta, cilmiga bulshada iyo sayniska. Intaa waxaa dheer, ardayda waxay kaqeybgalaan muusig, waxbarashada jimicsiga jirka iyo fasallada maktabadda/warbaahinta. Macluumaadka hoose wuxuu bixinayaa kheyraad gacan looga gaysanayo diyaargarowga dhammaan qoysaska dugsiga barbaarinta ee imaanaya.
Tani dhabtii waa waqti xiiso u leh carruurta iyo qoysaska labadaba. Waxaan rabnaa waayo-aragnimada canugaaga ee Degmada 196 inay noqoto mid wanaagsan oo faa’iido leh. Waxaanu rajeyneynaa in boggani uu yahay mid xogsiin ah kana jawaabo qaar kamid ah su’aalahaaga ku aadan dugsiga barbaarinta. Waxaad sidoo kale adiga qeyb muhiim ah ka tahay hawshan. Waxaanu rajeyneynaa in aanu qeyb ka noqono safarka xiisaha badan ee canugaaga!
Eeg Buug-yaraha Kusoo Dhaweynta Dugsiga Barbaarinta si aad uga hesho macluumaad muhiim ah oo ku saabsan u diyaarinta canugaaga ee dugsiga barbaarinta, badbaadada shakhsi ahaaneed, sida maalinta caadiga ah ee dugsiga barbaarinta ay u egtahay iyo waxa aad filan karto canugaaga inuu barto.
Jadwalka Taariikhaha Muhiimka ah
- May 1, 2025 - Waxaa ku eg tallaalada loo geynayo kalkaaliyaha dugsiga
- Agoosto 2025 - Macluumaadka gaadiidka ayaa loo dirayaa guryaha qoysaska
- Agoosto 27 & 28, 2025 - Imtixaanaadka Akhris-qoraalka
- Sibteembar 2, 2025 - Maalinta ugu horreysa ee dugsiga ee dhammaan ardayda dugsiga hoose
Uqalmitaanka Dugsiga Barbaarinta
Canugu waxa uu uqalmaa dugsiga barbaarinta haddii uu jiro ama ay jirto 5 sano marka la joogo ama ka hor Sibteembar 1 ee sanadka uu bilaabayo ama ay bilaabayso dugsiga.
Tilmaamaha gelitaanka hore ayaa ay heli karaan waalidiinta raba in ay diiwaangeliyaan ardayda aan buuxin shuruudaha da’da. Waalidiinta waxay sidoo kale wixi karaan 651-423-7739 si ay u helaan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan imtixaanka gelitaanka hore ee dugsiga barbaarinta.
Early entrance guidelines are available for parents wishing to enroll students who do not meet the age requirement. Parents may also call 651-423-7739 for more information on early entrance to kindergarten testing.
Baaritaanka Caruurnimada Xiliga Hore
Minnesota waxay ubaahan tahay in carruurta oo dhan ay maraan baaritaan bilaash ah si loo ogaado wixi walaacyo caafimaad iyo/ama korriin ah kahor inta aysan dugsi barbaarin ka gelin dugsi dadweyne. Degmada 196 waxay dhiirigelisaa baarista carruurnimada hore inta u dhaxaysa da’da saddex sano iyo afar sano. Tani waxa ay u oggolaanaysaa waqti waayo-aragnimo dugsiga ka hor ah ama fursadaha kale ee bulsho/waxbarasho inay u faa’iideeyaan canugga.
Haddii canugaaga aanu soo marin nidaamka baaritaanka, fadlan ballantaada ku qabso adigoo maraya mid kamid ah siyaabaha soo socda:
Onlayn: www.district196.org/screening
Taleefan: 651-423-7899
Iimayl: ecscreening @district196.org