Tignoolojiyadda
Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo sidaas inernet ugu heli lahayd guriga?
Barnaamijka Khadka La awoodi karo (Affordable Connectivity Program, ACP) waa barnaamijyada Federaaleed kaas oo diyaar u ahaa inuu caawiyo qoysaska baahida u qabo inay helaan adeegyada internetka. Nasiib darro, maalgelinta hadda looma heli karo barnaamijkan codsiyada cusubna lama aqbali doono laga bilaabo Febraayo 7, 2024. Qoysaska horay uga faa'iidaysanayay ACP waxay sii wadi doonaan inay helaan adeegga Internet-ka oo la qiima dhimay ilaa lacagaha laga dhameynayo (waxaa la filayaa inay noqoto Abriil 2024.) Midka beddeli karo ACP oo lagu talinayo waa Barnaamijka Lifeline kaas oo kugu siinaysa qiimo dhimis dhan ilaa $9.25 bil kasta adeegyada taleefanka, internetka, ama xidhmooyinka. Waxaa jira dhowr arrimood oo u qalmid ah si aad ugu qalanto barnaamijkan oo ay ku jiraan u qalmida ka qaybgalka Barnaamijka Dheefaha Waxbarashada (oo hore loogu yeedhi jiray barnaamijka cuntada bilaashka ah iyo kuwa la qiima dhimay.) Isticmaal Aaladan lagu raadiyo Adeeg Bixiyayaasha si aad u hubiso Shirkadaha bixiya Adeegga Internetka (ISP) ee uga qayb qaadanaya barnaamijka Lifeline inay siiyaan ciwaankaga.
Hoos waxaa ah ku qoran linkiyada Shirkadaha bixiya Adeegga Internetka (ISP) ee la wada yaqaano kuwaas oo laga heli karo gudaha xudduudaha degmada si ay kaaga caawiyaan helitaanka xal internet oo qiima jaban oo adiga kuu shaqeeya.
Haddii aad ogaato inaadan u qalmin mid ka mid ah adeegyada internetka ee la qiima dhimay aadna u baahan tahay in lagaa caawiyo inaad ku hesho internet guriga si loogu ogolaado ilmahaaga (carruurtaada) inay dhamaystiraan shaqada looga soo diro dugsiga, fadlan la xidhiidh dugsiga ilmahaaga.