Gaadiidka
U qaadista ardayda si ammaan ah, la isku halleyn karo oo waxtar leh
Adeegga masaafooyinka ee gaadiidku waa hal mayl iyo wixii ka fog ardayda dugsiga hoose iyo 1.5 mayl iyo wixii ka fog ardayda dugsiga dhexe iyo sare sida lagu qeexay Qaybta 1 ee Siyaasadda 707, Gaadiidka Ardayga.
Shuruudahan adeegga masaafada ayaa sidoo kale khuseeya ardayda dhiganaysa dugsiyada soo-jiidashada ee degmada iyo dhammaan ardayda dugsiyada aan dawliga ahayn. Sharciga Minnesota wuxuu uga baahan yahay degmooyinka dugsiga inay siiyaan gaadiid arday kasta oo ku nool masaafo 2 mayl ah iyo wixii ka fog dugsigooda loo qoondeeyey. Masaafada ardayga ee dugsiga, sida ku xusan Siyaasadda 707, qaybta 1.4, waxaa lagu qeexay masaafada ugu gaaban ee halka ardaygu deggan yahay (halka wajahada guriga ay kula kulanto wadada), macquul ahaan ammaan ku ah lugta, waddo ama dariiq weyn oo ay heli karaan dadwweynuhu, qarka wadada ama dariiqa dhinnaca wadada ee loo qoondeeyay soo gelitaanka dugsiga ee ardayga dhiganaya.
The fee-for-service transportation option is not available to intradistrict transfer students or open-enrolled (interdistrict transfer) students.
Haddii qayb kasta oo ka mid ah wajahada hore ee dhisamaha la deggan yahay uu kula kulmo dariiqa uu ka baxsan yahay masaafada socodka, ardaygu waxaa la siin doonnaa bas u sii qaada oo ka soo qaada dugsiga.
Haddii aad qabto su’aalo fadlan naga soo wac halkan 651-423-7685.
ADEEGGA BASKA EE IKHTIYAARIGA AH WAA $300 SANNAD-DUGSIYEEDKA OO DHAN
Qiimaha sannadlaha ah waa $300 ardaygiiba, qoyska $600 ugu badnaan. Qoysaska ay carruurtoodu u-qalmaan inay helaan cuntooyinka bilaashka ah ama qiimaha jaban ee dugsiga waxay ku helayaan adeegga qiimo jaban. Sharciga gobolku wuxuu uga baahan yahay degmooyinka inay siiyaan gaadiid ardayda ku nool laba mayl ama wax ka badan dugsigooda iyo ardayda hela adeegyada waxbarashada gaarka ah ee u baahan gaadiid ka qayb ah barnaamijyadooda shaqsiyeed ee waxbarasho.
Degmooyinka waxaa loo oggol yahay inay ka qaadaan lacag gaadiidka lagu bixiyo masaafo ka yar laba mayl, marka laga reebo gaadiidka loogu talogalay shaqsiyaadka leh baahiyaha gaarka ah. Degmada 196 waxay bixisaa adeeg ka wanaagsan ka uu sharcigu u baahan yahay. Barta bilowga ee adeegga dugsiga hoose waa hal mayl laga bilaabo dugsiga adeegga dugsiga dhex iyo sarena waa waa hal iyo badh mayl.
Ardayda ku nool masaafadahan laga bilaabo dugsigooda uma qalmaan gaadiidka bilaashka ah, marka laga reebo kuwa haddii, haddii ay u lugeynayeen dugsiga, ay u baahan yihiin inay ka gudbaan waddo tareen ama ama waddo gaadiid oo uu ku qeexay qaanuunka degmadu mid khatar ah. Qoysaska aanay carruurtoodu u-qalmin adeegga gaadiidka bilaashka ah iyadoo ku saleysan masaafo ama isgoysyada halista ah waxay leeyihiin ikhtiyaar ay ku iibsadaan.
LA XIRIIR
MIke
Isuduwaha Gaadiidka
651-423-7685
Transportation@district196.org
GOOBTA
Waaxda Gaadiidka
15180 Canada Avenue
Rosemount, MN 55068
SAACADAHA XAFIISKA:
Isniinta-Jimcaha
5:30 gh ilaa 5:30 gd